Al-Shabaab Oo La Wareegay Saldhig Ciidan Oo Ku Yaalla Gobolka Baay

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka K/ Galbeed iyo Al-Shabaab ayaa saakay wuxuu ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Wararka laga heleyo deegaan lagu magacaabo Cara-gaduud oo u dhaw Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed halkaas ay ku leeyihiin, waxaana goobta ka dhacay dagaal kooban.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Ciidanka Koonfur Galbeed ay isdhaafsadeen rasaas xooggan, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aan weli la xaqiijin.

War qoraal ah oo lagu daabacay Baraha Internet-ka Al-Shabaab ayaa waxay ku sheegteen inay dagaal kula wareegeen deegaanka Cara-gaduud oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Koonfur Galbeed, isla makaana gacanta ay ku dhigeen hub.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay uga hadlaayan wararka sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Cara-gaduud oo u dhaw Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.