Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka oo ku Heshiiyay inay la wada dagaalaan Ah Al-Shabaab

Hoggaanka Ahlu suna Waljameeca ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday iney iska kaashadaan dagaalka ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee fariisinka ku leh deegaano ka tirsan Galmudug.

Inkastoo ay jiraan wax badan oo ay ku kala duwan yihiin Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka hadana waxay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab oo ku aadan in laga saaro Galmudug iyo guud ahaan dalka.

“Ahlu-sunna Waljameeca waa cidda kaliya ee Al-shabaab la dagaallantay, deegaanno badanna ka xoreysay, mowqifka Ahlu-sunna Waljameeca waa in lala dagaallamaa nimankaan oo wadanka laga suuliyo, wadanka lagu soo celiyo amni, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa iney nagu hoogaamiso ayna u aqoonsato culimada Soomaaliya iney yihiin, culimadaa dadka u damqaneysa” ayuu yiri Shaakir.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay kulan arrimo badan looga hadlay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa dagaallo adag waxay lasoo gashay Al-shabaab, waxaana ay ka qabsadeen deegaanno badan oo gobollada dhexe ah.