Diyaarado Dagaal oo Xalay duqeeyay Deegaanka Buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari.

Wararka aanu ka helayno deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkasi ay ka dhacday duqeyn diyaradeed oo khasaare geysatay.

Dadka deegaaka ayaa sheegay in Fidkii hore ee xalay a duqeyni ka dhacday Buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari oo ay ku sugnayeen Alshabaab isla markaana ay maqlayeen jug culus oo dhacaysay.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaan Madarshaan oo ku yaalla dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari ee Puntland isla markaana dhowr KM u jira magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyntaas lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa deegaanka Madarshaan in kasta oo ilaa iyo haatan aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay duqeyntas.

Dhanka kale duqeyntaan ayaa ku soo adaysa kadib markii shalay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland qarax Miino lagula eegsaday nawaaxiga dhulka Buuralayda ah xili ay ku socdaalayeen gaadiid nooca dagaalka ah.