Ciidamada Kenya oo xoog ku soo furtay Ganacsato ay horey u afduubteen Al-Shabaab.

Ciidamada amaanka kenya ayaa ku guulaystay howl gal ay kusoo bad baadiyeen muwaadiniin soomaali kenyan ah oo gacanta ugu jiray Al–Shabaab iyaga oo kasoo afduubtay deegaanka libooy ee dhaca xadka ay wadaagaan soomaaliya iyo kenya.

 

Taliyaha Booliska aagaasi Alfred Angengo ayaa sheegay in labada nin oo ganacsato ahaa lagu magacaabo Abdullahi Issack Harun iyo Abdi Hassan Ilkaase, 20 ka tirsan dagaal yahanada al-shabaab ayaa fuliyay weerarkaasi.

“Kaliya seddex kamid ah al-Shabab ayaa kaxaystay labada ruux iyaga oo la’aaday dhinaca Soomaaliya deegaan lagu magacaabo Bagdad oo 60 KM ujira Hosingo, ayuu yiri taliyaha.

Labada nin ee ganacsatada ah, oo la sii daayay Decembar 27, ayaa xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay balse daal fara badan ayaa ka muuqday.

Wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay hawlgallo ka sameyn doonaan aagagga xudduudda si ay uga saaraan xubno ka tirsan al-Shabaab oo la rumaysan yahay in ay halkaasi ku sugan yihiin.