Sheekh Shariif:-“Madaxda Dowladda Soomaaliya waxay ku fashilmeen sugidda amniga Muqdisho, Shabaabna….”

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa dhaleeceen usoo jeediyay Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Sheikh Shariif ayaa si cad u sheegay in Dowladda Federaalka ay ku fashilantay sugida amniga magaalada Muqdisho,islamarkaana ay gabday mas’uuliyaddii loo igmaday.

Wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku fashilmeen sugidda amniga magaaladda Muqdisho,taasina ay fududeysay in Shabaab ay qaraxyo ka geystaan magaaladda.

“Marka laysku daro qaraxan iyo kii Soobe dhimashada aad ayay u badan tahay, waxa keenayana waa istaraatiijiyada qaldan ee amniga loo sugayo, oo u suurtagelineysa in cadowgu doorto xiliga iyo meeshuu rabo,dowladdu waxay sababtay in dadka magaaladda Muqdisho la canshuuro oo canshuurtooda lagu dilo,qaraxa ka dhacay Exkontarool waa canshuurta dadka magaaladda Muqdisho laga qaadey,” ayuu Yiri Madaxweyne Shariif.

Ku dhawaad 79-qof ayaa ku dhimatay Qaraxa halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen,sidoo kale,waxaa nolol iyo geeri lagu la’yahay 25-qof oo ku maqan Qaraxii sabtidii dhacay.

Qaraxii ka dhacay Ex-control Afgooye ayaa sababay khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegtay qaraxaas.