Sirdoonka NISA oo shaaca ka qaaday in qaraxii Ex-Koontorol uu qorshihiisa lahaa dal shisheeye.

Muqdisho:-oraal lagu baahiyey barta Twtter-ka ee hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu shaaciyey in qaraxii ka dhacay Ex-koontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraal NISA oo koobnaa ayaa lagu yiri, “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho.

Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkiga, oo ah wargeys aad ugu dhow dowladda, ayaa qoray in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohamed Bin Zayed Alnahyan uu amray qaraxaas, isaga oo beegsanaya Turkish-ka dhisayey waddada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada kooxda Al-Shabaab, oo inta badan sheegata qaraxyada Soomaaliya, aysan weli sheegin qaraxii Ex-Control oo ay ku dhinteen 81 qof.