Gudiga Gurmadka oo si buuxda u sheegay in weli la’layhay 20-qof.

Guddiga Gurmadka ee ku howllan tirakoonka dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii Sabtigii ka dhacay Ex-Koonatarool Afgooye ayaa sheegaya in 25 qof ay maqanyihiin.

Saraakiisha Guddigaaas oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in 22 Lab ah iyo 3 dheddig ah ay maqanyihiin wali.

Dadka maqan waxaa ka mid ah 8 Carruur ah oo 6 ka mid ah ay Lab yihiin halka labada kale ay dheddig yihiin.

Sarkaalka u hadlay Guddiga ayaa waxaa uu sheegay in 5 qof nolol lagu helay qofna dhintay isaga oo intaas raaciyay in dadka maqan ay hadda gaarayaan 20 qof.

Waxaa uu Sarkaalka u hadlay Guddiga Gurmadka sheegay in Isbitaalka Madiina yaallaan Meydad aan wali la aqoonsan waxaana uu dadka ehelkooda maqanyahay ka codsaday in ay tagaan Isbitaalka.