Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ooka dhacay bartamaha deegaanka Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey laba Ruux ayaa geeriyootay halka hal Ruux uu dhaawac soo gaarey,kaddib markii maleeshiyaad hubeysan ay saaka isku rasaaseeyeen bartamaha deegaanka Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa isugu jiraan dad Shacab ah iyo maleeshiyaadka dagaalamay oo dadka deegaanka ay sheegeen in uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan oo sababay inay dagaalamaan.

Wararka laga helayo deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ay kala dhex-galeen maleeshiyaadka dagaalamay,isla markaana xaalada haatan ay tahay mid degan.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga balse ay haatan dib u bilaawdeen,kaddib markii uu joogsaday dagaalka u dhaxeeyey maleeshiyaadka ee ka dhacay deegaanka Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug.