C/Raxmaan C/Shakuur oo ka horyimid warbixintii ay NISA ka soo saartay qaraxii Ex-kontarool.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag wuxuu uga hor-yimid warbixintii ay NISA ka soo saartay qaraxii Ex-kontarool.

Qoraal ka soo baxay sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in waddan shisheeye uu qorshihiisu lahaa falkaas argagixiso.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid argagixisadda looga leexinayo “xasuuqa shacabka”.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu si wayn ugu naqdiyey warbixinta hay’adda uu maamulo Fahad Yaasiin.

Qoraalka C/raxmaan C/Shakuur

Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Al-Shabaab eeda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Al-Shabaab way dhaafsiisan tahay.