Mogadishu 76 qof dhimasho ah kadib baabuurka xamaaliga oo Qarax laga soo buuxiyey

Muqdisho:-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax is-miidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay goob lagu qaado canshuuraha oo isgoyska ay ku leedahay wasaaradda maaliyadda, waxaana ku sugnaa goobta markii uu qaraxu dhacayey askar, dad shacab ah iyo gaadiid badan oo qaar kood la baarayey halka qaarna la canshuurayey, sida ay noo sheegeen dad goobjooga yaal ah.

Dad ku sugan goobta ayaa noo sheegay in dadka dhintay ay gaaraaya 76 qof iyo kuwa fara badan oo dhaawacmay in kasta oo aan si rasmi ah loo xaqiiji karin khasaaraha uu geystay qaraxaas Dadka dhintay ayaa la sheegaayaa inay Ku jiraan labo Turkiga ah iyo ardayda jaamacadaha dhigto.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo gurmad u fidinaya dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas.

Dadka ugu badan oo wax yeeladu ka soo gaartay qaraxaas ayaa la sheegay inay yihiin dadkii watay gaadiid la canshuurayey oo ku sugnaa goobta, sidoo kale askar badan oo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayey wax yeello ka soo gaartay qaraxaas, waxii ka soo kor dhana waan idiin soo gurbi doonaa.