Maamulka G/Banaadir oo balan qaaday in dhaawacyada dalka wax looga qaban waayo loo qaadi doono Dalka Dibadiisa+Sawirro

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in isbitaalka Madiina la geeyey dhimashada 73 qof iyo dhaawac 52 kale, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa aad u liita.

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir oo kaa shanaaya Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dalka dibadiisa u qaadi doono dadka dhaawacyada culus qaba ee wadan wax looga qaban waayo.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka inay u gurmadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxii saaka ee dadka rayidka ah lagu xasuuqay, kaasi oo ay ka dambeeyeen arxanlaawayaasha Al-Shabaab.