Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isbitaalada ku booqday dhaawacyada qarixii maanta+sawirro

Muqdisho;- Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal sheekh C/Raxmaan ayaa caawa isbitaalada ku booqday dhaawacyada dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay Ex control Afgooye

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay la socdeen xubno katirsan xildhibaannada golaha shacabka iyo wasiirro ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalka Erdogaan Ex Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu guddoomiyuhu alle uga baryay in uu bogsiiyo dadka dhaawacyada qaba,isagoona ka tacsiyadeeyey dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qaraxaasi bahalnimo ee maanta kooxaha argabixisadu ay ka geysteen magaalada Muqdisho.