Feker yaan Hal meel farta laguugu fiiqine!!!, (Falanqayn iyo Faallo)

Tacsi , Murugo wadaag, Cambaareyn iyo Bogaadin.

Waxaan u tacsiyeeynayaa Dadkii ku Geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtigii u dambeeyay Sannadka 2019 iyo kuwii kale ee isla maanta lagu dilay Magaalada Mogadishu.kuwaa oo ka koobnaa Arday, Shacab kale, Ciidan iyo Ajaanib.

waxaan Cambaareynayaa Cidii ka dambeeysay iyo Cidii masuuliyadeeda wax ka qabashada seegtay.

waxaan Bogaadinayaa Dhakhaatiirta Somaliyeed iyo sama jeclayaashii Doorka ka qaatay wax u qabashada Dadkii Dhibaatadu soo gaartay.

Qaraxa waxaa laga fiiryaa Nuuca Qaraxa, Yoolka lala beegsaday, waqtiga, Hadafka Qaraxa, Cidii ka dambeeysay iyo….

Anniga Qarixii la iigu xiray Gaariga, Saacado gudahood ayaan idiin sheegay in eyna ka dambeeyn Urur Diineed, mana jirin Cid sheegatay. waxaan Maalintaa idiin sheegay in 8 kooxood ey Magaalada wax ku dilaan.

Qaraxu waxa uu noqon karaa:

1. mid ah Urur Diineed hadaf leh.
2. is gaad gaad Ganacsi.
3. Tartan Ururo Diineed Dhaxdooda ah.
4. u qiil Dayid Joogitaanka AMISOM.
5. Aar gudsi siloon.
6. kuma jirtid, wadamada lagala Tashado Somalia, Berri Haleey sugo, Haw, Haw, Bug…..ka soo qeyb gal shirka.
7. Muddo kororsi xil siyaasadeed, si loo muujiyo in aan Doorasho dhici karin.
8. La igama Gadin Blog shidaal.
9.Fursad siin Aqoonsi Maamul Gobaleed iyo gooni u goosi.
10.Mucaarad la soo dhax maray.
11. U baaqid IGAD.
12. Loolan Mashruuc.
13. Sababo kale .

Allaah ha ka Badbaadiyo ummaddan, Qaraxyada.

Qore: Yahya Amir