Dowladda Qatar oo cambaareysay qarixii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Ex-Kontorol Afgooye.

Muqdisho:- Dowladda Qatar oo ka mid ah wadamada saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarixii argagixisanimo oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho,kaasi oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba uu ka soo gaaray dad shacab ah.

War qoraal ah oo ka soo baxayy wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda dalkaasi Qatar ayaa lagu sheegay in si weyn ay ugu xuntaya falkaasi oo ay ku tilmaantay in uu yahay mid bahalnimo ah oo shacabka lagu beegsaday.

“Dowladda Qatar waxay caddeynaysaa mowqifkeedi ku aadan in aan marnaba raali ka noqon doonin falalka argagixisanimo ee wuxuushnimada ah,sababkasta ay jirto marna raali kamanihin in shacab la dhibaateeyo,waana cambaareynaynaa ka dowlad ahaa”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar.

Ugu dambeyntii xukuumadda Dooxa waxay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay ugu tacsiyadeysay dadkii ku dhintay qaraxaasi,iyadoo kuwo dhaawaca u rajeysay in ilaahay uu bogsiiyo

Qatar waxaa ay kamid tahay wadamada ugu horeeya oo taageero hiil iyo hooba la garab taagan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda,iyadoo dhowr jeer dalkeeda ay caafimaad ahaan ugu qaaday dad badan oo ku waxyeeloobay weeraro argagixisadu ay bulshada la beegsadeen