Danjiraha Soomaaliya ee Zambia iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo wada abaabul Dib loogu habaynayo…

Danjiraha Soomaaliya ee Zambia iyo Jaaliyadda Soomaaliyyed oo abaabul ugu jira sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen Safaardda Soomaaliya ee dalkaasi+sawirro

Wixii ka dambeeyey markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalkaasi Zambia u magacowday safiir cusub oo ah Marwo Xaawo Maxamed Xasan,waxaa bilowday dadaalo ku aaddan sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhanka diplomaasiyadda ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dowladnimo ee dalkooda hooyo.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Zambia ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyey Danjiraha Soomaaliya ee dalkaasi Amb Xaawo Maxamed Xasan,iyagoo xusay in kala qeyb qaadan doonaan sidii loo abuuri lahaa mashaariic lagu dhisayo safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Amb Xaawo Maxamed Xasan oo la hadlaysay wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) ayaa uga mahadcelisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi oo uu hormuud u yahay guddoomiyohoodi Maxamed Maxamuud(Hiiraan) sida wanaagsan oo ay u balanqaadeen in ay kala shaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa dib u habeynta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Zambia.

Wadatashi dheer oo dhex marey Safiirka Safaaradda Soomaalia ee dalkaasi, Guddoonka Jaaliyadda, Culimaa’udiinka, Ganacsatada,dhalinyada iyo Hooyooyinka, waxaa la sameeyay gudiyo ka shaqeynaaya sidii masruucan loo dedejin lahaa, loogana mira dhali lahaa.

Jaaliyadda oo inta badan ka ganacsata wadankaas, aadna u firfircoon kana muuqda, marka loo eego dadka ajnabiga ah ee ku nool wadanka Zambia,Jaaliyadda waxay u sheegeen safiirkooda Cusub in ey diyaar u yihiin in ey la shaqeeyaan, garabna ku siiyaan wax walba oo lagu soo celinayo sharafta iyo gobonimada qaranka Soomaaliyeed.

Dalka Zambia oo dhaca dhinaca Koonfureed ee qaaradda Afrika ayaa ah wadan aad u muhiimsan marka loo eego fursadaha ay ku haysataan bulshada Soomaaliyeed oo halkaasi ku leh ganacsiyo aad u ballaaran,taasina waxaa ay horseedeysa in la xoojiyo xiriirka diplomaasiyadeed ee labada dal.