Qarax khasaare gaystay oo Macalimiin Al-Shabaab oo Qaraxyada farsameeya ay ku dhinteen.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Hargeysa Yarey oo hoos taga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay Qarax xoog leh oo geystay khasaare kala duwan.

Halka uu Qaraxaasi ka dhacay ayaa waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen 11 macalin oo ka tirsan kuwa u farsameeya qaraxyada Al-Shabaab.

Dadka ku nool deegaankaas ayaa warbaahinta u sheegay in sideed ruux oo ku howlanaa sameynta qaraxyadaas ay ku geeriyoodeen, halka dhaawacyadana lagu sheegay todoba kale oo ay ku jiraan dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa, waxaana dhaawacyadii loo qaaday xarumaha caafimaad ee degmada Jilib.

Dad ku sugan deegaanka Hargeysa Yarey ayaa sheegay in qaraxaas uu ka dhacay goob lagu farsameynayey Miinooyinka dhulka la galiyo oo ay ku sugnaayeen in ka badan 10 macalin oo kuwa Al-Shabaab qaraxyada u sameeya.

Warar kale oo soo baxayana waxay sheegayaan in goobtaas uu ku dhacay gantaal ay diyaarad soo riday, inkasta oo aan wali la kala xaqiiji karin wuxuu ka dhashay qaraxaas oo dadka deegaanku ay ku kala macnaynayaan in raga qaraxyada samaynayey ay wax ka qaldameen iyo in gantaal lala beegsaday Al-shabaab