Ciidamada Jubbaland oo sheegay inay Al-Shabaab kala soo wareegeen deegaanKa Buula Xaaji.

Muqdisho:-Ciidamada Amniga Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in hawlgal ay sameeyeen kula soo wareegeen deegaan ay haysteen Al-Shabaab.

Deegaanka Buula-Xaaji oo dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose, ayay sheegeen Ciidamadu inay kala soo wareegeen Al-Shabaab oo halkaasi in muddo ahba maamuli jireen.

Ciidamada ayaa sheegay in wax dagaal ah uusan dhex marin Al-Shabaab, haatanna ay xaalada deegaanku ay tahay mid deggen.