Ayax fara ba’an ku haya Beeraha ku yaala deegaanka Tayeglow ee Gonolka Bakool.

Waxaa sii kordhaya dhibaatada ayaxa guuraya uu ka geesanayo qaar kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana ayaxan isaga oo aad u badan marba tagaya qaar kamid ah gobolada Soomaaliya gaar ahaan dhulka beeraha iyo keymaha.

Ayaxa ayaa hada kusii faafaya gobolo iyo degmooyin hor leh, waxa uuna dhibaato xoogan ku hayaa dhulka beeraleyda iyadoona dadka beeraleyda bilaabeen dagaal ka dhan ah ayaxa kusoo duulay beerahooda.

Degmada Tayeglow ee gobolka Bakool ayaa kamid ah goobihii ugu dambeeyay uu ayaxan gaaray, waxa uuna durba ayaxa bilaabay in uu ku dul habsado dhulka beeraha iyo sidoo kale keymaha.

Beeraleyda degmada Tayeglow ayaa bilaabay in dagaalka ayaxa u adeegsadaan rasaas xoogan , waxa ay sidoo kale bilaabeen in ay shidaan tubaakada oo la sheegay in qaaciisa uu ayaxu aad u neceb yahay.

Ayaxa aadka u badan ee ku baahaya gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan dhulka beeraha ayaa la sheegay in uu yahay dhibaato soo korortay, lamana shaacin wali tirada khasaaraha uu dhulka beeraha u horseeday ayaxan.