Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland oo ka hadlay xariga xoghayihii xisbiga UCID

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xiray xoghayihii Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamud Cali Hayste (RAMAAX).

Masuuliinta Xisbiga UCID ayaa xaqiijiyey Xadhiga Ramaax, iyadoo ay intaasi ku dareen in Xoghayihii guud ee Xisbiga UCID oo ugu taggay xarunta C. I. D ee Hargeysa oo uu ku xidhan yahay Ramaax loo diiday inay arkaan.

Feysal Xiis Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa sheegay in sababta loo xirey Xoghayaha ay tahay in uu aflagaado u geystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomalailand,isla markaana uu ku sheegay in uu xiriir la leeyahay dad cadaw ku ah Soomaaliland.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa sheegay in si Sharci ah uu ku xiran yahay Xoghayaha dacwadda loo heystana ay tahay mid cad,isla markaana dhawaan Maxkamad la horgeyn doono si cadaaladda loo marsiiyo.