Maxaa Sabab u ah Barakac la sheegay inuu ka soconayo Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho?.

Shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa waxay bilaabeen in ay isaga barakacaan guryahooda, ka dib markii ay cabsi soo food saartay.

Tani ayaa waxay ka dambeysay markii ay soo bateen weerarada xiiliyada habeenkii ay soo qaadaan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, ee ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Dagaal-yahanada Shabaabka oo mararka qaarkood weerarada ka soo qaada xaafadaha dadku degan yihiin ayaa la sheegay inay Ciidamada Amisom uga jawaabaan madaafiic xoogan, oo aanay u meeldayin.

Madaafiicdan oo guryaha qaarkood burbur u gaysatay ayaa xoojisay dareenkii baqdinta lahaa ee ay qabeen dadka faraha badan ee ku dhaqan Ceelasha Biyaha, taasoo ugu dambeen ku riixday inay deegaanka ka barakacaan.

C/qaadir Cali Cabdi oo ka mid ah shacabka ka barakacay Ceelasha Biyaha ayaa mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho u sheegay inaanay labada dhinacba u turin shacabka deegaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka ay intooda badan u barakacayaan Magaalada Muqdisho, halkaasoo ay markii horeba ka yimaadeen. Ceelasha Biyaha ayaa dhismatay markii ay Magaalada Muqdisho soo galeen Ciidamada Militariga Itoobiya, muddo saddex iyo toban sano laga jooggo.

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa mudadaasi ka abuurmay ganacsi ballaaran oo ku tiirsan Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana iminka deegaankaasi laga dareemaya mid ay dadkii deganaa isaga hayaamayaan.

Marka laga soo taggo in Shabaabku uu caadeystay dhibaateenta shacabka Soomaaliyeed ayaa dhanka kale waxaa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika lagu eedeeyaa kuwo aan waxba ka duwanayn mintidiinta Al Shabaab.