Kenya oo shaaca ka qaaday inay diyaariyeen istiraatiijiyad cusub oo dhanka amniga.

Maamulka magaalada Wajeer ayaa shaaca ka qaaday inay diyaariyeen istiraatiijiyad cusub oo lagu xaslinayo amniga magaalada Wajeer kaddib markii ay kordheen weerarrada Al-shabaab ka geystaan Magaaladaasi.

Jacob Narengo Guddoomiyaha Wajeer, ayaa warbaahinta u sheegay in ay go’aansadeen in ay kulan la qaataan odayaasha Gobolka Gedo ee dhinaca Soomaaliya iyo odayaasha Wajeer kaddibna sameeyaan Guddi isku dhaf ah oo ka wada shaqeeya amaanka Sohdinta labada dal.

Guddoomiyaha ayaa odayaasha Labada Dhinac ka dalbay in ay si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan amniga, islamarkaana xoogga saaraan sidii Hay’adaha amniga ee Kenya ay u heli lahaayeen xogaha weerarrada Al-shabaab ka hor inta aysan fulin.