Gudoomiye Cumar Filish oo Shir Gudoomiyay Shir looga hadlaayay Amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa gudoomiyay Shir uu la qaatay gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray Xoojinta amniga Caasimadda bilic soo celinta nadaafada, iyo tirakoobka guryaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir kula dardaarmay inay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda,isla markaana ka Shaqeeyaan sugida Amniga.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in ay la adkeeyo amniga Muqdisho.