Dowladda Federaalka oo Sharaxaad Ka Bixisay Kaamirooyinka Cusub ee Waddooyinka Muqdisho

Markii ugu horaysay ayay Dowladda Federaalka fahfaahin buuxa ka bixisay kaamirooyinka cusub ee lagu xiray qaar ka mid ah isgoysyadda Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Cabdullaahi Faarax, agaasimaha siyaasadda iyo sharciga ee Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in ujeedada ka dambeysa talaabadan ay tahay si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Faarax ayaa rumeysan in kaamirooyinka ay hoos-u-dhigi doonan fal-dambiyeedyadda kana hortagi doonan weeraradda xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

“Weeraradda hoos ayay u dhacayaan, sababtoo ah waxaa qabaneysa Kaamiradda, waana talaabo horey loo qaadey,” ayuu Faarax u sheegay qeybta English-ka ee Tv-ga VOA.

Ibraahim Xaaji, agaasimaha warbaahinta ee Wasaaradda Difaaca, ayaa shaaca ka qaadey in ciidamadda ammaanka ay si gaar ah ula socon doonan dhaqdhaqaaqa Kaamirooyinka.

“Koox ka tirsan laamaha ammaanka ayaa jira oo maamulaya, mana rabo in aan kusii dheeraado, waa arrimo ammaan,” ayuu ku daray.

Illo wareedyo ayaa tibaaxay in kaamirooyinka laga maamuli doono xarunta nabad sugida iyo sirdoonka Somaaliya ee loogu yeero Habad Khadiijo.

Iyaddoo shacabka aragtiyo kala duwan ka bixiyey, waxaa walaac ka muujiyey siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay in si gaar ah loogu rakibay agagaarka hoygooda.

Siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Xildhibaano kasoo horjeeda dowladda Farmaajo ayaa tuhunsan in loogu talagalay in lagula socdo dhaqdhaqaaqdooda xili jawi xasaasi ah lagu jiro.

Bishii October, 2019, Al-Shabaab, oo si joogto ah weeraro uga geysta magaala madaxda, ayaa ku amartay xarumaha ganacsi ee Muqdisho, in aysan mehradahooda banaanka uga dhejin karin Kaamirooyin.