Dadkii lacagaha dhigtay Shirkadaha Forex oo bilaabay inay lacagahooda ka qaataan shirkadaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa jiray cadaadis kala duwan oo ay la kulmayeen Shirkadaha Forex ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ku aadan kalsoonida ku aadan lacagaha loo dhiibto, ayaa waxaa isa soo taraya dadka lacagahooda kala baxaya Shirkadaha Forex.

Xarumaha Shirkadahan ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa tan & shalay waxaa buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo doonaya inay helaan lacagihii ay u dhiibteen Shirkadahaasi.

Waxaa aad u yar kalsoonida lagu qabo Shirkadaha Forex ka shaqeeya wixii ka dambeeyay go,aankii uu soo saaray Bankiga dhexe ee dalka oo amray Bankiyada gaarka loo leeyahay inay xiraan Akoonada Shirkadaha Forex.

Mid ka mid ah dhalinyarada lacagta ku darsaday Shirkad Forex, ayaa sheegay inuu si deg deg ah u dalbaday lacagtiisa inuu la baxo, maadaama uu sheegay inuu ka cabsooday in lagala goosto lacagtiisa.

Sidoo kale waxaa aad u sii yaraanaya kalsoonida lagu qabo Shirkadaha ka shaqeeya Sarifka lacagaha ee Forex, kadib markii maalmahan dadka si wayn uga niyad jabeen, maadaama ay jirtay warar soo baxay oo sheegaya in masuul ka tirsan Shirkadaha Forex uu la goostay, lacag badan kadibna Turkiga uu iska dagay.

Sharciga Shirkada Forex ee Muqdisho ka shaqeeya ayaa qaba qofka marka uu doono inuu la baxo lacagtiisa wuxuu sugayaa 10 cisho oo ka bilaabanaysa maalinta uu qoro warqada lacag la bixista.

Dhanka kale mashquul badan ayaa ka jira xarumaha Shirkadaha Forex, maadaama dadkii ay la baxayaan lacagihii u yaalay.