Al-Shabaab oo ku goodisay inay dili doonaan Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug.

Ururka Al-Shabaab ayaa u hanjabay Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Labaad ee maamulka Galmudug,kuwaas oo hadda soo xulistooda ay ka socoto magaalada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah saxiixayaasha Galmudug oo la hadlay Shabakadda Warqaad ayaa sheegay iney cago jugleyn iyo handadaad ay ka soo gaartay Xarakada Al-Shabaab, waxayna ugu goodiyeen iney dili doonaan haddii uusan faraha kala bixin howsha uu ku jiro.

Wuxuu sheegay iney Odayaasha badi soo wajahday cabsi xagga amnigooda ah ka dib markii ay u hanjabeen Al-Shabaab.

Ururka AlShabaab ayaa horay u qaarijiyay ergo dhowr Ergo oo soo xulay Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada,tanina waxay qeyb ka noqoneysaa khatarta amni ee Al-Shabaab ku hayaan Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku xareysan Odayaal la doonayo iney soo xulaan Baarlamaanka Galmudug,kuwaasi oo qeyb ka ah dhismaha maamulka Galmudug.