Wararkii ugu Dambeeyay Nabadoon xalay lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Magaaladaasi lagu dilay Nabadoon caan ahaa.

Allaha u naxariistee Nabadoonka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Axmed Askar, wuxuuna dilkiisa ka dhacay xaafada New Boosaaso.

Dadkii ka agdhawaa goobta dilka uu ka dhacay, ayaa sheegay in rag hubaysan oo Bistoolado watay inay fuliyeen dilka Nabadoonka, kadibna ay ka baxsadeen goobtaasi.

Ciidamada ammaanka Boosaaso oo tagay goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxaa la sheegay inay sameeyeen Baaritaano dhanka ammaanka ku saabsan, balse lama sheegin dad ay soo qabteen.

Magaalada Boosaaso, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay noqotay goob lagu beegsado Odayaasha dhaqanka & Nabadoonada, waxaana Magaaladaasi horay loogu dilay tiro Nabadoono ah.

Dhanka kale Al-Shabaab iyo Daacish ayaa fuliya dilalka ugu badan ee ka dhaca Magaalada Boosaaso oo u muuqata mid amnigeeda uu faraha ka baxay.