Maamulka Ahlu-Sunna oo ka Hor yinid guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.

Dhuusamareeb:-War-saxaafadeed ka soo baxay xaafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Cali Xasan ayaa lagu sheegay in Ahlu-Sunna aysan khuseyn shuruudihii ay shalay soo saareen guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.

Dowladda federaalka ayaan wali hadlin liiska xildhibaanada ay shalay soo saartay Ahlu-Sunna Waljamaaca, kuwaas oo ay 20 xubnood oo ay ugu tala galeen inay uga mid noqdaan baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Qaar ka mid ah odayaasha Galmudug ayaa horay uga hadlay arinta Ahlu-Sunna ayaa si weyn uga soo horjeestay qaabka ay u soo qoondeeyeen xubnahaas, waxayna ku edeeyeen Ahlu-Sunna in saami sax ah aysan ka qaadan Beelaha Galmudug iyo inay kuraasta qaar ku soo qoreen shaqsiyaad aan qoondo ahaan u laheyn, taas oo sheegeen inay meesha ka saareyso wax qeybsiga beelaha ee haatan la-isla ogolyahay.

War-saxaafadeedka Hoos ka aqriso:-