Maanta oo ah Arbaca ah Tr 25 December waxaa jira kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ajendaha Kulanka ayaa ah u codeynta Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo sidoo kale u codeynta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sharciyadan horay uga soo dooday iyagaana maanta qorshuhu yahay inay meel mariyaaan.