Haweenay caawa lagu dilay Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Caawa lagu dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir haweeney la sheegay iney ka tirsaneyd dadka degaanka, taasi oo uu dilkeeda ka dambeeyay Askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in haweeneydan ay ka mid aheyd shacab iskugu soo baxay buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray reero deriskooda ah, waxaana goobta soo gaaray askarigan oo labo xabadood ku dhuftay haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Hani Ismaaciil Yuubane.

Meydka haweeneydan oo isla goobta ku naf baxday ayaa loo qaaday xarunta dembi baarista Booliska (CID) ee magaalada Muqdisho.

Askarigan dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, lamana oga sababta uu u dilay haweeneydan, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka degmada Dayniile oo bilaabay iney baadi goobaan askariga baxsadka ah ee dilka geystay.

Dhanka kale dilkan ayaa noqonaya kii 3-aad ee ka dhaca maanta magaalada Muqdisho,saakay ayey aheyd markii Askari uu dilay Darawal Bajaaj, sidoo kale dabley hubeysan ayaa degmada Yaaqshiid ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowlada,kuwaasoo ka dibna baxsaday.