Ciidamada Dowladda oo Isgoyska H/Wadaag ku dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Muqdisho:-Askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Isgoyska Howlwadaag ee gobolka Banaadir ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Dad ku sugnaa isgoyska markii uu dilku dhacayey ayaa sheegay in dilka ka hor ay mudo murmaayeen marxuumka iyo askariga dilka geystay, sidaasna uu askarigu ku toogtay marxuumka oo watay mooto Bajaaj, isaguna uu goobta iskaga baxsaday.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Axmed Cosoble, waxaana la sheegay inuu dhawaan ka soo laabtay dalka Koonfur Afrika oo uu ka ganacsan jiray, isagoo markii uu dalka ku soo laabtay ku biiray dhalinyarada ku shaqeysata mooto Bajaaj-ta, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan eheladiisa.

Dhanka kale inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal ay ciidamada ammaanku u geystaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka loo yaqaano Bajaaj-ta.