Xasan Sheekh iyo Safiir Yamamoto maxay uga hadleen shirkooda Albaabada u xirnaa?

Shirkaan oo maanta ka dhacay Xarunta Safaarada Mareykanka Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa yeeshay Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya & Safiirka USA Ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjire Yamamoto ay kaga hadleen Arimo badan oo dhanka Siyaasada,Amniga iyo Doorashooyinka ugu muhiimsanaayeen.

Xubno katirsan Labada Gole Ee Dawlada oo Xisbiga UPD katirsan ayaa Xasan Sheekh ku wehlinayey Shirkaasi Saacadaha qaatay.

Yamamoto ayaa ka dhageystay Fikirkiisa ku aadan Doorashada 2021-ka ka dhaceysa Soomaaliya iyo Naqshad ahaan sida lagu geli karo.

Waxa uu Xasan Sheekh Maxamuud ka digay in Dawlada hadda jirta ay Wakhti kororsi sameyso sheegeyna in Xilligaan la qaban karin Doorasho qof iyo Cod ah.

Danjire Donald Yamamoto waxa uu sheegay inay iyagu ku baaqayaan Saamileyda Siyaasada Soomaaliya inay wada hadlaan oo meel cad looga soo jeedsado Dagaalka Shabaab,Dhaqaalaha iyo sidii kor dalka loogu qaadi lahaa,mad madowga jirana la xaliyo.