Waa maxay Doorashada reer Galbeedka ee Dimuqraadiyada ah?

Doorashada reer Gabeedku sheegaan Dastuurkooda u yaqaan Dimuqraadiyada waa hab ay dadku ku dooran karaan musharraxiintooda ama waxa ay doorbidayaan ee ah hogaan siyaasadeed

sida xukumada ay doonayaan noqoneyso ama Madaxweyne naha ay dalka inuu hogaamiyo u dooranayaan.

Inta badan waddammada reer Galbeedka figrada codbixiyaasha intooda badan u codeeyaan ayaa dalka lagu hogaamiyaa. Waxaan loo yaqaan Go,aan Dimuqraadiyada ku dhisan

Codbixiyaasha waxay doortaan xubnaha xildhibaanada ee noqonaya golayaasha sharci-dejinta oo ah wakiilada bulshada ee sharciga lagu heshiiyey ilaaliya waxaana lagu doortay habka loo yaqaan
Dimuqraadiyada xorta ah.

Maadaama ay dimuqraadiyadu u ogolaato cidii cod badan in ay sharciga dalka dejiso talada dalkana yeelato. Markaa in dadku ku Qancaan in laka badiyey oo arinkaa heshiis bulsho lagu yahay, waa go’aan Dimuqraadiyad

Waqtiga soomaaliya kama jirto Doorashada reer Gabeedku sheegaan
ee loo yaqaan Dimuqraadiyada taas oo leh shirci heshiis bulsho ku dhisan oo reer Galbeedku u yaqaanaan Dastuur.

Suura gal matahay doorasho reer galbeed inay soomaaliya ka dhacdo?

Xiligan doorashada Soomaaliya waxaa ka harsan sanad ayaa wali waxaan kala cadeyn nooca doorasho ee uu dalka yeelanayo,

maadaama sharciga doorashada uu horyalao barlamaanka, dhawaanna la filayo in uu go’aan ka gaaro.

Markaa barlamaanka wakiilada ka ah bulshada soomaaliyeed ee aaminsan xeerka xalka ah ee 4.5

sidee Suuragal u tahay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacda Soomaaliya?

Hadaanuu jirin Barlamaan Faderaal ah oo lagu soo doortey doorasho qof iyo cod
Saw caqliga saxda maaha in marka hore bulshadu heshiiso.

Inkastoo guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah,

waxaa Falanqeyn tayda ku soo koobayaa Qofka Codeynaya waa kuma xagee ka codeynayaa yuu u codeynayaa?

Waa maxay Doorashada reer Galbeedka ee Dimuqraadiyada ah?Doorashada reer Gabeedku sheegaan Dastuurkooda u yaqaan…

Posted by Danjire Mahamed Caalim on Monday, December 23, 2019

Qore Danjire Mohammed caalim

Rayigaa waa muhiim inaad dhiibato!
shere garee