Qofkii raba inuu Xildhibaan ka noqdo Galmudug oo shuruudo adag la hor dhigay.

Shuruudo Adag ayaa Ka soo muuqday Habraaca Doorashada Galmudug Shakhsiyaadka Raba inay Xildhibaan ka noqdaan baarlamaanka Labaad Ee Maamulkaasi Lasoo xulayo.

Gudiga Dhismaha Maamul Usameynta Galmudug Ee C/naasir Geelle Hogaamiyo ayaana Dhowr Shuruud soo saaray laga rabo in qofka uu la yimaado si Wakiilada Baarlamaanka uga mid noqdo.

Qodobada La hordhigay Murashaxiinta Xildhibaanimada Galmudug ayaa waxa ka mid ah inuu heysto Warqad Dembi la’aan ah ama uusan katirsaneyn Argagaxisada marna ku biirin,oo Laamaha Amniga Cadeyntaas ka keensado.

Inuusan ka yareyn Da’ ahaan 25 Sano uuna Caafimaadkiisu taam yahay Dhimir ahaan iyo Jir Ahaan.

Shuruudaha waxaa ka mid ah inuu yahay Qof Deegaanka Galmudug ku dhashay ama Ka soo jeeda uuna Magaciisa Dhameystiran usoo gudbiyo Oday Dhaqameedkiisa.

Gudiga Maamul usameynta Galmudug Ee doorashada waxay sheegeen in 89-ka Xildhibaan uu saameyn doono Shuruudahaan qofkii aan soo buuxina uusan ka qeyb geli doonin Golaha Wakiilada Baarlamaanka Galmudug.

Shuruudaha Hoos ka aqriso:-