Maamulka Bankiga Dhexe oo amar ku bixiyay in la xiro Dhamaan Akoonada FOREX

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka sare ee maamulka bangiga dhexe ee soomaaliya ayaa lagu amray in la xiro dhammaan Accounada FOREX.

Qoraalkan ayaa waxaa uu ka soo baxay guddoomiye ku xigeenka bankiga dhexe ee soomaaliya Maryan Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa lagu sheegay in Accounada FOREX ay sida ugu dhaqsiyaha badan u u xiraan dhamaan xisaabaadka akoonka Bankiyada ah.

Guddiga dhexe ee Maamula Bangiga ayaa lagu sheegay in uu 28kii October 2019 kulan ka yeeshay arrintan islamarkaana gaaray go’aankan, hayeeshee warqadda ayaa loo diray Bangigada gaarka loo leeyahay 23kii Bishan oo ku beegan Isniintii shalay ahayd.

Go’aankan ayaa ku soo adaaya xilli mudooyinkii ugu dambeeyay ay taagneyd xiisad ka dhalatay dood Ganacsiga FOREX, iyada oo Culimada qaarkood ay isku khilaafeen sax ahaanshaha Ganacsiga FOREX.

Amarka Bankiga dhexe Halkan Hoose ka Akhrio:-