Heshiis La Dhex-Dhigey Beelo Dagaalamay oo laga soo saaray 7-Qodob.

Munaasabad lagu dhameystirayay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Beelihii ku dagaalamay bariga gobolka Mudug ayaa lagu qabtay deegaanka Towfiiq ee Gobolkaasi Mudug,waxaana laga soo saarey qodobo ay ku heshiiyeen Odayaasha labada beelood.

 

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal, Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje ,Xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Odayaasha Dhaqanka labada Beelood iyo Maamulka deegaanka Towfiiq,waxaana laga soo saarey 7 Qodob oo kala ah.

1: in la fuliyo qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinac 18/12/2019,kadib kulankii ka dhacay deegaanka Af-barwaaqo.

2: Waxaa la doortay Shir guddoon kulamo lagu dhameystiraayo xalinta dagaalkaas,waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia laga codsaday in Mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo ay dardar geliyaan Nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta Beelaha Walaalaha ah.

3: In wada-hadallada labada Beelood ay sii socdaan inta xal rasmi ah laga gaarayo.

4: in wadda hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socda

5: In Guddiyada la Magacaabey ee labada Beelood ay Cidiamada xoogga dalka gacan weyn ka siiyaan una fududeeyaan fulinta heshiisyadii la wada gaarey.

6: in qofkii u hoggaansami waaya fulinta heshiisyadii la wada gaarey ay Ciidamada xoogga dalka ka qaadaan tallaabo Sharci ah.

7: Ugu dambeyn in GogolNabadeed la dhigo Magaalada Gaalkacyo 5/2/2020, sial markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay fududeyso Shirkaas.

Hoos Ka Akhriso Magacyda Odayaasha labada Beelood ee ah Guddiga isku dhafka ah ee ku howlan xalinta dagaal beeleedkaas.

(MAGACYADDA ODAYAASHA AFBARWAAQO)

Nabadoon Maxamed maxamuud Guleed

axmed Maxamed Cilmi dirir

Siciid Xaashi Diini

Khaliif Nuur Cawil

Sahal cali faarax

Salaxeey Cabdulaahi Gulleed

Maxamed Diriye Nuur

(MAGACYADDA ODAYAASHA TOWFIIQ)

1.Xasan Cabdi Nuur

Siciid Salaad shire

axmed Cali Warsame

Mire Cali Warsame

Cabdulaahi Maxamed Nuur

Siciid Jaamac Maxamud

Xaashi Yaasiin Cali Kulan.