Duqeymo diyaaradeed oo xalay lagu qaaday Degmooyin ka tirsan G/Jubada Dhexe iyo Saraakiil Shabaab ah oo lagu Dilay.

Warar aan helyno ayaa sheegaya in diyaarado dagaal xalay duqeymo ka fuliyeen degmooyin ka tirsan gobolka Jubada dhexe, halkaasina Khasaaro xooggan ka soo gaartay Al-Shabaab.

Degmooyinka ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah Jilib iyo Bu’aale oo dhamaantooda ka wada tirsan gobolka Jubada Dhexe.

Labada duqeyn ayaa la sheegay in lala beegsaday xarun tababar oo ku taala inta u dhexeysa Jilib iyo Hargeysa yarey, iyo Degmada Bu’aale.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in saraakiil iyo Naleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab duqeynta lagu dilay.

Degmada Bu’aale ayaa iyana xalay duqeyn lala beegsaday sargaal sare oo ka tirsan macalimiinta bixiya tababarada Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Macalin Yoonis Karaama oo loo yaqaano Abuu Cuteyba, xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay sarkaal iyo 12 dagaalame oo ka tirsan ilaaladiisa

Jubbada dhexe ayaana ah gobolka Kaliya ee ay si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab.