Ciidamo Itoobiyaan ah oo si aad ah u hubaysan oo ka soo talaabay Xadka ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidamo aad u badan oo ka tirsan kuwa Itoobiya ayaa xalay soo gaaray xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya,kuwaas oo kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida.

Kolonyo ka tirsan ciidamada itoobiya wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay gaareen deegaanka Boorancad ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan deegaannadii ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamada Liyuu Boolis iyo Maleeshiyaad deegaanka ah, Mana jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helay ciidamada itoobiya.

Dad deegaanka ayaa sheegay in saakay arkeen ciidamo itoobiyaan ah oo gudaha u soo galeen deegaanka Boorancad, islamarkaana halkaasi ay dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan.

Deegaanka Boorancad ayaa Maalin ka hor waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka, kuwaasi oo halkaasi u tagay sidii loo joojin lahaa dagaalka ka dhacay deegaanka Boorancad.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada xoogga ay Maxaabiis u kala wareejiyeen Ciidamada liyuu Boolis iyo Maleeshiyaadka ku dagaalamay deegaankaasi.

Ciidamadda Liyuu Boolis ayaa dhawaan weerar sababay dhismasho iyo dhaawac ku qaaday dad Shacab ah oo ku sugnaa Xuduuda Gobalka Galgaduud uu la Wadaago dalka itoobiya.

Dagaaladan ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow labaatan ruux oo labada dhinac ah.