Magacyada Xildhibaanada cusub ee Ahlusunna ee Galmudug oo la shaaciyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay hoggaanka Ahlusuna ayaa maanta waxaa lagu shaaciyay magacyada liiska xildhibaanada Ahlusuna uga mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug.

Liiska xildhibaanada uu soo gudbiyay madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa ay ka kooban 20 xubnood.

Dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca (ASWJ) ayaa horey u sheegay inay heshiis ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyey ee ku salaysnaa dhismaha maamulka Galmudug.