Iska Jir. yaah,yaah. yeelkadaa !!! =Ciidda Christmas-ka iyo tan Sannadka Cusub ha isku aadin Burnei.=

Ciidda Christmas-ka iyo tan Sannadka Cusub ha isku aadin Burnei.

Saldanadda Islaamka ah ee Burnei, waa waddan yar oo Muslim ah, waxaa ku wareegsan Malaysia iyo Badda Koofurta Shiinaha. Waxa xakuma Suldaan, waxa eyna leedahay Astaan Qaran oo ey ka muuqato Calaamadda Islaannimku ( F.S: 1 & 2aad)

In kasta oo Taajir nimada Wadamada siyaabo kala duwan loo cabiro , waxaa la isku raacsan yahay in Burnei ey tahay Wadanka ugu taajirsan Aduunka oo dhan marka laga fiiriyo Dakhliga soo Galo Qofka Sannadkiiba.

Dhaqaalaha Burnei waxa uu ku tiirsan yahay Shidaalka, waxaa loo yaqaan Wadankii Cagaarka iyo Dahabka “ Green & Gold”, waxaa ku yaal Masaajidyo badan oo 29 Masjid oo ka mid ah Munaaradahooda iyo Qubooyinkoodu ey Dahab ka sameeysan yihiin. ( F.S: 3, 4 & 5aad). waxa ey ku dhaqmaan Shareecada Islaamka. Airporka waxaa laga galaa Laba irdood oo ey ka kala galaan Muslimiinta iyo Dadka aan Muslimka aheeyn ee Dalkaa tagayo.

Sigaarka laguma cabi karo meel ka baxsan gurigaaga, lamana ogolo in lagu dhax iibiyo Dalka. Khamriga haddii aad Muslim tahay maba cabi kartid, Ma jirto meel Khamriga lagu iibin karo ama lagu cabi karo, Safaaradaha wadamada Gaalada iyo Ajaanibta aan Muslimka aheeyn ayaa loo ogol yahay 2 Liter in ey la soo galaan Dalka, xarumahoodana eynan la soo dhaafin, cid kalena ma siin karaan.

Lama ogolo: Xafladaka Christmas- ka iyo Sannadka cusub, Heesahaha Christmas-ka, in Salaamaha Christmas-ka la isku diro iyo Geedka “Christmas tree” . intaa Qofkii lagu arko waa 5 Sanno oo xarig ah. Geedkaa Cagaaran ee Nalalka lagu Hardhay oo Hadda Wadamada Qaar lagu khasbay in ey Masaajidda Muslimiintu Dhax dhigaan waqtiga Christmas-ka ( F.S: 6aad)

Saldanadad Burnei, hore waxa ey u soo saareen sharci ah in Qaniiska lagu xakumo 10 sanno oo xarig ah, hadda waxaa la soo saaray sharci guud oo lagu mamnuucayo waxa Caalamka looga yaqaan LGBT( Lesbian , Gay, Bisexual iyo Transgender) Ciqaabtuna tahay Dil, Karbaash iyo Xabsi. Aduunkii inta badan ayaa ku kacay Burnei.

Aduunka hadda qofkii wax ka sheega LGBT ama wax uu ku diidan yahay ka qoro, Shaqooyinka Caalamigaa qaar looma ogolo, xatta wadamada qaar Visa lama siiyo, Siyaasiyiintana Caalamkana kii ka horyimaad Culeeys ayaa la saaraa. Ha ka baqin in aad Runta sheegto.

Wadamada waaweeyn ayaa hadda ku kacsan oo leh Burnei Dimoqoraadi ma ahan, xuquuqul insaankana ma dhowrto, Wadamadaa oo leh: Annaga Sharcigeena ayaa fasaxayo in uu qofku Qaniis noqdo iyo in Laba Qof oo dhidig ah ey is guursadaan.

Burnei waxa ey leedahay Annigana sharcigeeyga iyo Diinteeyda ayaa diidadayo in Qofku uu noqdo Qaniis ama guud ahaan LGBT. Dimoqoraadiyadu ma waxaa waaye, wixii Anigu aan kuu sheego oo kaliya ayaa sax ah? yaa gar daran?
Anniga Arragtideeyda, Burnei waa laga gar daran yahay.

Adigana yaa kula saxan?

Haddii aad rabto xafladda Christmas-ka ha isku aadin Burnei, ee Somalia iyo meela kale iska joog. Annigana ha igu Casuumin.

FG: Waa isla wadaag Aqoon Guud, wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir