Dowladda Soomaaliya oo si buuxda u cadaysay inuu dhaqan galay Manhajka dugsiga dhexe.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inuu dhaqan galay Manhajka dugsiga dhexe, kaas oo dhawaan ay soo saartay wasaaradu.

Agaasimaha Xafiiska Manaahijta iyo fayo dhowrka Wasaaradda Waxbarashada, mudane, Maxamed Xasan Mukhtaar ayaa tilmaamay in Manhajka dugsiga dhexe uu dhaqan galay, isla markaana iskuulada dalka laga bilaabay Manhajkaan oo uu sheegay inuu wax badan uu ka bedeli doono tayada waxbarasho ee dalka.

Agaasimaha ayaa sheegay in manhajkaan uu yahay mid ay soo diyaariyeen Macalimiin Soomaaliyeed,isagoo xusay in manhajku uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay mid uu leeyahay dalka Soomaaliya taasoo meesha ka saareysa isticmaalka manaahijtii hore ee wadamada kale.

Dhinaca kale iskuulada dalka ayaa soo dhaweeyay manhajkaan dugsiga dhexe ee ay wasaaradu soo saartay,iyagoo sheegay in uu yahay mid si weyn loo tayeeyay oo wax badan ka bedeli kara waxbarashada.

Maamulaha Guud ee iskuulka Hoose, Dhexe iyo sare ee Al-Muxarram, Maxamed Cabdulqaadir Ibraahim “Maadeey” ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Manhajka dugsiga dhexe,isagoo xusay in uu dhaqan galay.