Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Deegaan ka tirsan Gobolka Bay.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta waxay weerar ku qaadeen degaanka Goof-Gaduud Buureey, oo hoos yimaada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay fariisimo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen degaanka Goof-Guduud Buureey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu sababay khasaaro soo gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay inkastoo aan arintaasi la xaqiijin karin.

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegteen inay qabsadeen degaanka Goof-Guduud, islamarkaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Al-Shabaab waxay qoraalkooda ku sheegteen, inay dileen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed, ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed