Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb.Ben Fender.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay kulankooda uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka uu geli doono sanadka soo aadan ee 2020/2021, iyo xidhiidhka labada dawladood ee Soomaaliya Ingiriiska.

Amb. Ben Fender ayaa waxa uu sheegay in dawlada Ingiriisku ay Soomaaliya diyaar ula tahay taageerada ay uga baahan tahay.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa safiirka uga mahadceliyay soo booqashadiisa iyo kulankii dhexmaray