Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo Odayaasha Dhaqanka kula balamay Ilaalinta 20-Ka Xildhibaan ee Ahlu-Sunna

Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya waxa uu ka hadlay caqabadihii laga soo maray gudagalka arrimaha doorashada Galmudug isaga oo baaq u diray Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in la xaliyay dhammaan tabashooyinkii ay qabeen dadka reer Galmudug eek u aaddanaa dhismaha maamulka,isaga oo sheegay in waddo dheer loo soo maray 20-ka xildhibaan ee lasiiyay Ahlu-sunna Waljamaaca lana Ogeysiiyay Odayaasha dhaqanka iyo Beesha caalamka.

Odayaasha dhaqanka oo uu la hadlayay ayuu cadeeyay in looga fadhiyo dhaqangelinta heshiiskii dhismaha Galmudug gaar ahaanna xildhibaanada lasiiyay Alu-sunna oo laga soo maray caqabado badan,welina Odayaasha looga baahanyahay in ay ilaaliyaan qoondadaas.

“Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug ha saxiixaan 20 Xildhibaan ee Ahlusunna,yeysan idin eersanin ka hor wareega dalabkaas waa idinka codsaneynaaye ayuu yiri”Wasiir Sabriye.

Shalay ayay aheyd markii guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ay soo saareen Jadwalka doorashada sheegayna in doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay dhici doonto 9-Bisha soo socota