Meeqa Xildhibaan ayaan tagin Deegaankoodii 4 tii sanno oo ey xildhibaanka ahaayeen..?=Nasashada Jimcaha.Q-179aad=

1-Macallimad ayaa Caruurtii Cusbeed ee Dugsiga Xanaanada Caruurta ku tiri: Ardaygii tiriyaa 1-100 dhabanka ayaan ka dhunkanayaa. Mid Curi ahaa Caruurta ka da’ weeynaa oo markaa Gaalkacyo laga keenay ayaa Macalimadii ku yiri : Anigu haddii aan ilaa 1000 tiriyo Ma i habeeynee?

Macalimadii ayaa Maamulihii ku tiri: war Ardayda Xanaanada Caruurta la keenayo, naga fiiriya ilkahooda, kuwo Goowsa leh oo Curi ah ayaa ku jiro. ( F.S: 1aad)

( Masuul ayaa markii sheekadaan loo sheegay yiri: Ciidamada halaga saaro intii waaya arag ah. war Hooge, sheekadaan Ciidan looma daliishado ee waaya araga ka faa’iideyso)

2-Xildhibaan ayaa markii Doorashadii soo dhawaatay Booqasho ku tagay Dugsi Hoose oo ku yaal Deegaankiisii Doorashada 4 sanno oo uu ka maqnaa kadib. Ardaydii ayuu weydiiyay. yaa ii sheegi karo Xayawaan dheer oo Reer miyigu Gaadiid ka dhigtaan?. Arday ayaa yiri: waa Geela. Xildhibaankii ayaa yiri: Sax u sacbiya. Aabahaa muxuu ka shaqeeyaa. Ardaygii ayaa yiri: waa Nabadoon. Xil. Ayaa yiri: waa lagu ogaa caqliga badan caruurta Nabadoonada. Mar kale ayuu weeydiiyay yaa ii sheegi karo Xayawaan 4 Lugood leh oo caano macaan. Mid ayaa yiri: waa Sac. Xil. Ayaa yiri: Sax, Aabahaa muxuu ka shaqeeyaa. Ardaygii ayaa yiri: waa Macalin Dugsi. Xil. Bal fiiriya Caruurta Macalimiinta Aqligooda.

Mar kale ayuu weeydiiyay. Yaa ii sheegaya Xaywaan Baalal leh oo duulo. Mid ayaa yiri: isaga oo yasaayo su’aalaha Xildhibaanka, waa Yaxaas. Xildhibaankii ayaa yiri: war doqonkaan fiiriya, maad iska aamustid, Aabahaa muxuu ka shaqeeyaa? Ardaygii ayaa yri: waa Amiir tababaraa Mujaahidiinta Degmada. Xildhibaankii oo naxsan ayaa yiri: wiil wanaagsan ayaad tahay, Yaxaasku mar mar waa duulaa, marka uu dabada kor u taago, laakin badanaa ma duulo. ( F.S:2aad)

(Meeqa Xildhibaan ayaan tagin Deegaankoodii 4 tii sanno oo ey xildhibaanka ahaayeen, kadibna Dadkii u sheegay in Yaxaasku Duulo)

3-Nin ayaa ka hor yimid Nin deriskiisa ahaa oo xurgufu kala dhexeeyso oo Dameer suuqa u wado. Kuna yiri: war Daanyeerkaan xageed u wadaa. Ninkii deriska ahaa yaa ku yiri: Ma indha beeshay, Daanyeer ma aha ee waa Dameer. Ninkii ayaa ku yiri: war Adigu is qori ogidaa. Adiga su’aasha kuma weydiin ee Dameerka ayaan weeydiiyay. ( F.S: 3aad)

( Wariyayaashu ha ka dhaafeen siyaasiyiinta, su’aalaha eynan fahmi kari)

4-Nin Qurbaha ka yimid ayaa wallaalkii oo Baadiyaha ka yimid Makhaayad geeyay. Qorba joogii ayaa dalabkiisii ku yiri: ii keen koob isbarmuuto ah, cad yar oo Liin ahna dhinaca ka soo saar. kii Reer Miyiga ayaa yiri: Annigana Shaah cadeeys ah ii keen, Sacna dhinaca ka soo saar. Qurba joogii ayaa yiri: War Caanihii ayaaba laguugu cadeeyay ee Sacuna muxuu ahaa, Reer miyigii ayaa yiri: Liinta waaba laguu miiraye, ma qolofka aayaad cuni leheyd. ( F.S: 4aad)

( wax aan macna leheeyn oo aad Qurbaha ku soo aragtay, oo aadan fahmin, Dadka ilbaxnimo ha uga dhigin)

5- Oday faarax oo Baadiyaha Gaalkacyo ka yimid, ayaa u yimid Dhalinyaro Ciyaalka Xaafadda ah oo sheekeeysanayo. Waxa uu ku yiri: War dhalinyaro , Hablaha Magaalada side loo shukaansadaa? Mid ayaa ku yiri: Hablaha Magaalada waqtigaan qaab xirfadeeysan oo Siyaasadeeysan ayaa loo shukaansadaa.

Oday faarax, Gabar kaligeed wadada maree ayuu ka daba tagay. Kuna yiri: Naa heedhee, Beryahaan maxaad war ka heeysaa Nimankii Farmaajo iyo khayre ahaa.

(Somalida Miyi & Magaalaba waxaa isaga darmay, Siyaasadii iyo Macaamil maalmeedkii)

6- Naag 50 Sanno jir ah oo Xaflad Aroos u socotay ayaa tagtay Salon la isku dhalin yareeyo, markii ey ka soo baxday ayeey Dukaan soo gashay. Dukaanlihii ayeey weeydiisay meeqa Sanno ayaan kula jiraa? Waxa uu ku yiri: 35 Sanno. Weey ka soo baxday, iyada oo isla hadlee oo leh: Waan ahay 50 jir noqday 35 jir. Hadana waxa ey gashay Makhaayad Ninkii shaqaalaha ayeey weeydiisay meeqa Sanno ayaan kula jiraa?. Waxa uu ku yiri: 29 sanno. Waxa ey tiri: waxaan noqday 50 jir u eg 29 jir.

Halka Baska laga raaco ayeey kula kulantay Nin oday ah oo 80 jir ah. Waxa ey tiri: Meeqa sanno ayaan kula jiraa? Waxa uu yiri: Waan indha yareeyay, si fiican wax uma arko. Laakin haddii aan gacanteeyda Xabadkaaga saaro waan sheegi karaa. Iyada oo shakisan ayeey shaarkii kor u qaaday, odaygiina gacanta ayuu galiyay. Waxa uuna ku yiri: Waxaad jirtaa 50 Sanno, waxa ey ku tiri: Sideed ku ogaatay? Waxa uu yiri: Markii aad Makhaayadda ku jirtay oo aad isla hadleeysay ayaan Gadaashaada Fadhiyay. ( F.S: 5aad)

( Somalida shirarka Caalamiga ah ka qeeyb galeeyso, ha iska fiiriyeen Dadka gadaashooda fadhiyo. Habluhuna odayaasha waaya araga ah. Waa iga talo)

Qore: Yahya Amir