Maamulka Jubbaland oo ku baaqay in la ilaaliyo shuruucda dalka u yaalla iyo Dastuurka

Kadib kulan golaha wasiirada maamulka Jubbaland ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga deegaanada Jubbaland howlgalada socda iyo arrimaha siyaasadda dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la iskula soo qaaday shirkii dhowaan ka dhacau Kismaayo eedhex maray madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka socday beesha caalamka oo uu hogaaminayay wakiilka QM ee Somalia.

Jubbaland waxay sheegtay in waxyaabo badan oo dalka hormar u horseedi kara ay isla soo qaadeen xubnihii beesha caalamka ee ay la kulmeen, si gaar ah arrimaha doorashooyinka,amniga iyo dhamaystirka Dastuurka ayay tilmaameen in in lagu lafa guray.

Dhinaca kalana Wasiirka warfaafinta Jubbaland oo warbaahinta la hadlaay ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu baaq u dirayo dowladda Somalia oo ku aaddan ilaalinta shuruucda dalka u yaalla Dastuurka iyo in laga shaqeeyo siyaasad wanaag.