Alfanaan Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan oo si weyn London lagu soo dhaweyey


Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska booqasho Ku yimid Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan oo si diiran ay ugu soo dhawaayeen Fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kooxdii Fanaaniintii hoboladii Waabari.

Axmadey Cabdi Gaashaan oo ah mu’alifii lahaa ruwaayadii 15 Shumey oo caan ka aheed oo maalmahaan uu Booqan doono Fanaaniinta reer Ingiriiska.

Mar aan la hadalnay Alfanaan Maxamed Maclow ayaa Waxaa uu noo sheefay in si fiican oo kal iyo laab leh ay fanaaniintii hore ee hobolida Waa beri ay u sameeyeen Casho Sharaf iyo soo dhaweyn aad u weyn, hadii aan nahay bahda somaliweyn Waxaan dhawaan aan ka qaadi doonaa wareysi Ku saabsan taariikhdii faneedkii Alfanaan abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan iyo booqashada uu hadda Ku joogo wadanka Ingiriiska.