MACALIN LAGU DILEY DEGMADA DHARKEENLEY

Wararka aan ka heleyno Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho waxay Sheegayaan in goor Dhow Degmadaas lagu diley Macalin Jaamacadeed Macalin oo lagu magacaabo Macalin Axmed Maxamed ayaa waxaa la diley waqti uu ka soo baxay Shaqadii Macalinimo isagoo Xiliga la dilayey uu ku sii jeedey.

Gurigiisa oo ku yaal degmada Dharkeenleey Dilka ayaa la sheegey in ay geysteen Laba dhalinyaro ah oo ku Hubeysnaa Bistoolado, kuwaa oo ka baxsadey goobta uu dilka ka dhacay Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaarey Ciidano ka tirsan Dowladda Faderaalka kuwaa oo halkaa la sameeyey Baaritaan iyadoo ciidamada ay Su’aalo weydiinayeen dadkii ka dhawaa goobta uu dilka ka dhacay.

Xaaskiisa Macalinka oo aan Wareysaney waxay noo sheegtey in mudooyinkaan dambe ninkeeeda la soo wacayey loona hanjabayey iyadoo sheegtey in ay aaminsan tahay in Dilka ninkeeda ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab Dilka Macalin Axmed ayaa waxaa ka Xumaadey Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Iyagoo dalbadey in Cadaalada la horkeeno kooxihii ka dambeeyey dilka Macalinka Axmed Maxamed Daahir.