Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid Oo Babraro Ku Galay Garoonka Camp Nou.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa barbaro ku galay Camp Nou kulan ay labada kooxood awoodi kari waayeen inay wax goolal ah kala dhaliyaan. Hogaanka La Liga ayaa weli ahaan doona mid ka dhexayn doona Barcelona iyo Real Madrid.

Real Madrid ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kala soo muuqatay Camp Nou laakiin waxay ku fashilmeen inay wax goolal ah ku badalaan fursado badan oo ay heleen halka Barca ay ka faa’iidaysan kari wayday fursadii garoonkeeda loogu ciyaarayay.

Labada kooxood ayaa kulankan iskeenay iyaga oo isku dhibco ahaa isla markaana u dagaalamayay sidii ay hogaanka La Liga kali ugu noqon lahaayeen.

Real Madrid ayaa loo diwaan galiyay rekoodhkii kooxdeeda ee ugu fiicnaa ee kulan ay Camp Nou ku ciyaartay qaybtii hore kadib markii ay sameeyeen darbooyinkii ugu badnaa ee ay Barca ku tuureen.

Inkasta oo ay labada kooxoodba abuureen fursado gool dhalin cadaan ah lagu samayn karayay, haddana waxay ahayd Real Madrid kooxda ciyaartay kubbada ugu fiican isla markaana abuurtay fursadaha ugu badan.

Real Madrid waxay qaybtii hore ee ciyaarta awooday inay Barcelona ku gantay 12 darbo intii lagu jiray 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore ee ciyaarta, waana tiradii ugu badnayd ee ay waqtigan oo kale ka sameeyeen kulan Camp Nou ah inta la bilaabay ururinta xogta kubbada cagta.

Daqiiqadii 17 aad Real Madrid ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolka furitaanka kadib markii uu Casemiro toogtay goolka Barca laakiin Gerard Pique ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah si uu Madrid uga beeniyo gool ay hogaanka ku qaban kareen.

Real Madrid ayaa mashquul badan ku abuurtay goolhaye Ter Stegen kaas oo ahaa mid xaalad fiican ku jiray si uu kooxdiisa Barca ciyaarta ugu sii hayo laakiin marka uu Ter Stegen qalad sameeyo waxaa asturayay Gerard Pique oo isna bandhig wayn qaybtii hore sameeyay.

Daqiiqadii 31 aad Sergio Ramos ayaa Lionel Messi ka beeniyay gool ay xariiqda kubbadu sii dhaafaysay isla markaana uu Courtois ka quustay, laakiin Ramos ayaa markiisa sameeyay gool badbaadin cadaan ah.

Daqiiqadii 41 aad Jordi Alba ayaa helay fursad cadaan ah oo uu Lionel Messi u abuuray waxaana loo qaatay in uu noqonayo goolka laga sugayay ciyaarta El Clasico, laakiin Alba ayaa darbo uu taabasho kaliya u baahnaa birta goolka Madrid agmariyay!!

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba heleen fursado ay ugu yaraan min hal gool ama ka badan ku heli kareen ayaan wax gool ah la arag laakiin Zidane ayaa jeclaystay wixii uu Camp Nou ku arkay qaybtii hore.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay markale Madrid soo laabtay iyada oo dardar fiican ku socotay waxayna culays ku sii haysay Barcelona laakiin Barca ayaa markan bilawday inay xamaasadeeda sare u soo qaado.

Waxaa la soo gaadhay dhamaadkii ciyaarta waxayna labada kooxood bilaabeen inay raadiyaan goolka guusha balse ay taxadar badan ka muujiyaan difaac ahaan.

Wax walba oo ay labada kooxood iskugu dayeen inay goolal dhaliyaan waxay taasi noqotay mid aan suurtogal noqon waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah taas oo la micno ah in Madrid iyo Barca ay hogaanka La Liga isku sii haysan doonaan.