Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka “Guul iyo farxad ayey ku soo dhamaatay gogoshii nabadeed ee Afbarwaaqo..”

Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa wuxuu ka hadlay heshiis ay wada gaareen shalay beelihii ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

“Guul iyo farxad ayey ku soo dhamaatay gogoshii nabadeed ee Afbarwaaqo, halkaas oo lagu qabtay kulankii labaad ee xabadjoojinta iyo heshiiska”.

Mahad Alle SWT ayaa leh, kadibna waxaan uga mahadnaqeynaa reer Afbarwaaqo oo dhigay gogosha nabadeed iyo reer Towfiiq oo si kalsooni leh u soo ajiibay. Taliska Ciidanka Qalabka Sida, Xasilinta iyo inta Eebbe waafajiyey inay gacan ka geysato waxaan leeyahay Ilaahey ha idinka abaalmariyo.

DFS, beesha caalamka iyo maamulada ay khuseyso waxaan ka codsaneynaa in la iska kaashado sidii adeegyo bulsho iyo gurmad rasmi ah loo fidiyo shacabka ammaan la’aantu daashatay. Qeybaha bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay soo dhoweeyaan heshiiska taariikhiga ah ee lagu gaaray Afbarwaaqo.