Forex. Forex. Forex. Waa maxaay Forex Exchange Market?

Waa Lacagta oo lafteeda Ganacsi laga sameeyo, Lacag lagu bedelanayo Lacag kale, Saameeynna ku leh Ganacsiga kale.

Taariikhda Forex.

Forex, waxaa Bilaabay Babylonian –kii hore ee Dalka Ciraaq, Dalka Masar waxaa laga isticmaali jiray 259 BC, waqtigii faraacinada. Suuqii ugu horeeyay ee Forex waxaa laga furay Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland muddo laga joogo 500 Sanno, waxaana loo yaqiin Suuqaa “ Free Trade of Currencies”. Forex-ta USA waxaa hogaaminayay Shirkadii loo yaqiin “Brown & Sons” Sannadkii 1850kii. Forex-ka hadda waxa dib loo soo cusbooneysiiyay 1931 markii uu yimid isticmaalka “Gold Standard”


.
Kadibna July 1944 ayaa qiima joogtaa lagu saleeyo Dahabka iyo Dollarka , taa oo ah.$ 35.00=1 ounce “Waqiyad” oo Dahab ah. waxaa markii dambe ogolaaday Qiimeeyntaa hayadaha IMF, World Bank iyo GATT, kadibna Wadama kale ayaana ogolaaday xiriirkaa joogtada ahaa ee Dahabka iyo Dollar-ka.

Khubaro ayaa soo jeedisay in Wadamadooda laga joojiyo ama Caalamka oo dhan laga mamnuuco Forex-ka, iyaga oo leh waa khamaar ama wax la mid ah, taa lagama aqbalin, iyada oo cudurdaar looga dhigayo in Sarifkaa loo isticmaali karo wax Dhoofinta, soo Dajinta iyo Maalgashiga.

Shuruudaha Forex.

Dadka Ganacsigaan galayo waa in ey heeystaan Shati ( License and Mandatory Certificate). wadama badan waxa ey leeyihiin Hayado kontroolo Forex .tusaale: wadanka Qubrus- ayaa leh, CYSEC “ Security and exchange Commission”. USA waxa ey ku kontrooshaa hayadaha .CTFC, NFA, FINKA, SIPA. Switzerland –FINMA “Supervision of Financial Market”. UK-FCA “ Financial Service Control” Australia-ASIC.

USA waxaa la yiraa Sharci ma ahan Forex, taasi waa been. Laakin si taxadar leh ayeey u maareeyaan, Dadka Ajnabiga ah looma ogolo Shatiga. Qofka Shatiga la siinayo waa in Lacag keyd ah laga hayo “Security Deposit” taa oo dhan $20 Million, si haddii uu muslalafo ama Khasaaro, Lacagtaa magdhaw loogu siiyo Macaamiishiisii Lacagta uu ka qaaday.

Sideey u shaqeeysaa Forex?.

Habka ey u shaqeeyso. Tusaale: Waxaad leedayay Labo Account, mid Dollar ah iyo Mid Shillin Somali ah. tii Doolarka ayaa waxaa kuugu jiro $100. Waxaa hoos u dhacay qiimihii Sh.So, noqdayna 20 shillin halkii Dollar. $ 100 kii ayaad sarifee una soo wareejinee Account Somali ah, waxa ey kuu noqonee Sh.So.2000.

Muddo kadib ayaa Shillinka qiimihiisu kor u kacayaa waxa uuna noqonayaa $1=Sh.So.10. dib ayaad ugu celenee Sarif Dollar ah waxa eyna kuu noqonee $ 200. Waxaad faa’iiday $100. Laakin haddii shillin somaligu hoos u sii dhaco oo uu noqdo $1=Sh.So 40. 2000 ee Sh.So waxa ey noqonee $50 waxaadna khasaartay $50. Marka waa in aad saadaali karo is bedelka Suuqa Lacagaha.

Ma ka fekertay?.

Inta aadan Galin Suuqa Forex waa in aad is weydiisaa: Cidda aad la macaamilee Bank ma tahay? Bank ma ku xiran tahay? Ma leeyihiin Bank Account? . Dowladaadu ma u sameeysay Nidaam xadidayo kharatra ?. Shati ma leedahay? Bank-ga uu ku leeyahay Accounka ma hubtaa in uu Keyd ka hayaa, si Lacagtaadu u badbaado haduu khasaaro kan aad la macaamilee? Lacagta Dalkaagu ma tahay mid wax lagu bedelen karo?. Ma ka fekertay Lacataada haddii aad Bank dhigto ama kan kaa qaaday uu dhigo in Dulsaar intaa la eg aan lagu siineeyn,Haddii lagu ganacsadana aan laga heleeyn Faa’iido intaa la eg. Sarifka is bedelkiisa ayaa la gaadayaa? Diyaar ma u tahay 2/3 khasaaro ah, waxa la yiraa 3dii Qofba Labo ayaa ku khasaarto?. Diintaadu maxeey ka qabtaa?.

Culuma Badan oo Islaam ah ayaa isku raacay in SWAP Forex aan la ogoleeyn. Kuwa kale ayaa ogol. Waxa kaliya ee la ogolyahay waa SWAP nooca ah Sarifka maalinlaha ah Ku kooban iyo Keydkaaga Bangiga in aad ka qaadato adiga oo isticmaalayo. Ogoow lacagta lafteedu badeeco ma ahan ee Badeecada ayaa lagu Kala bedeshaa.

Saameeynta Dhaqaale.

Saameeynta Somaliya ee Forex: Dollarka ayaa Suuqa ku yaraanayo. Dhulka Deegaankaa ayaa Qiimahiisu hoos u dhacayaa. Maalgashiga yar yar ayaa isna hoos u dhacayo. keydka Lacagaha ee EVC, E Dahab iyo wixii la mid ah ayaa yaraanayo, wareega Lacagta ee Suuqa ayaa isna hoos u dhacayo. Badeecada ayaa Dadka iibsadaahi yaraanayaan, kadibna Ascaarta ayaa hoos u dhecee, Ganacsiga qaarna waa xirmayaa.

Waxaan ka fiiriyay dhinaca dhaqaalaha oo kaliya, dhinaca Diinta waxaa wax laga weeydiinaa Culumada. Hadda Dalka ma joogo. waxaan maqlay in Culumo ka iftootay, welina ma arag qoraalka iftada, iyo go’aankooda.

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir